4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 31, 2019
Gabadha hoggaamiyaha Mucaaradka dalka Sudan oo la xiray

 

Khamiis, Janaayo, 31, 2019 (HOL)-Laamaha ammaanka dalka Suudaan ayaa xabsiga dhigay gabar uu dhalay hoggaamiyaha mucaaradka Suudaan, Sadiiq Al Mahdi, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Labo kamid ah gawaarida booliska ayaa gaaray guriga ay degganeyd Maryan Sadiiq Al Mahdi shalay halkaas oo ay ka kaxeeysteen.

Maryan ayaa ah ku-xigeenka madaxa xisbiga Ummah oo ee u hoggaamiyo aabaheed oo 83 jir ah.

Toddobaadkii lasoo dhaafay, Sadiiq Al Mahdi oo horraan ra’iisul wasaare uga soo noqday dalka Suudaan ayaa taageeray dibadbaxyada lagu codsanayo inuu iscasilo madaxweyne Cumar Al Bashiir.

Xiritaanka gabadhiisa, Maryan ayaa imaaneysaa xilli mid kamid ah saraakiisha ugu sarreysa dalkaasi uu maalin un ka hor shaaca ka qaaday in xabsiyada laga sii daynayo dadka loo xiray bannaabaxyada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]