4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 30, 2019
Wasaaradda hawlaha guud oo ku eedeeysay xisbiga WADDANI inuu wasiirkoodda ku sheegay xanuun aan jirin

 

Arbaco, Janaayo, 30, 2019 (HOL)- Wasiiradda hawlaha guud iyo Dhulka ayaa warar been ah ku tilmaamtay inuu wasiirkoodii xanuun u jiifo cisbitaaladda gaarka loo leeyahay.

Arrintan ayaa ka dambeeyey ka dib markii masuul ka tirsan xisbiga WADDANI sheegay inuu wasiirka hawlaha guud xanuun aanu magaciisa sheegin u jiifo cisbitaalada gaarka loo leeyahay, waxaanu xukuumadda ku eedeeyey in aanay wasiirkooda xanuunsanaysa ka war hayn.

“Wasiirka Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guryeynta Mudane C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi Wuxuu Ku Suganyahay Xaalad Caafimaad Midii Ugu Wanaagsanayd, Dhib Iyo Xanuun Laga Dayriyo Midna Mahayo, Mana Yaalo Lamana Dhigin Cisbitaaladda Hargeysa Ku Yaal, Wax Dhakhtar Loo Dhigaana Mahayaan, Kaliyaata Hargab Fudud Ayaa Haleelay, Hoygiisa Magaaladda Hargeysa Ka Degn yahay ayuu Jooga, Nasasho Iyo Fasax Ayuu Ku Jiraa.”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay wasaarada hawlaha guud.

Waxaana intaas lagu daray “Maaha In La Is Barbardhigo Labadda Wasiir Ee Caafimaadka Iyo Hawlaha Guud, Wasiirka Caafimaad Isaga Xanuun Adag Oo Culus ayaa Ku Dhuftay, Wasiirka Hawlaha Guud Isaga Hargab yar ayaa Haleelay Imikana Wuu Badqabaa, Masuuliyiinta Xukuumadda Ee Golaha Wasiiradda, Golaha Wakiiladda, Guurtida Cid Aan Soo Booqan Majirto, Mana hayo Xanuun Weyn Oo Madaxweyne usoo Booqdaa, Wuu Caafimaad Qabaa Wasiirku.Waxaanu Ka Xunahay Ereyadda Deelqaafka Leh Ee Masuuliyiinta Xisbiga Waddani Hawadda Soo Mariyeen, ayaan Daro Iyo Anshax Xumo Weeyi In Wax Laga Dayo Oo Xanuuna Lagu Sheego Masuuliyiinta Xukuumadda, Isla Markaan Loo Sahadiyo Xanuun Aan Hayn, Cidii Tiri Warkaas Iyadda ayey Ku Maqantahay.”

Sidoo kale, waxay wasaaraddu eeddo usoo jeedisay xisbiga WADDANI oo ay ku tilmaameen inuu habaar ku hayo wasiirada xukuumadda, waxaana lagu yidhi “Xisbiga Waddani Waxa u yaala Inay Buuxiyaan Kaalinta Mucaaradnimo Ee Ay Baneeyaan, Waxaana Uguba In Ay Habaaraan Isla Markaan Xanuun Iyo Dhibaato Usahadiyaan Masuuliyiinta Xukuumadda, Gudoomiyaha Anshaxa Xisbaga Waddani Ee Maanta Ereyadaasi Kasoo Yeedhaan Waa Abaal-laawe Ayaan Daran, Waanu Ka Xunahay Inuu Noqdo Dhallankii Hoyadii Ilamaha Baray.”

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.