4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 21, 2019
Dabley weerartay deegaan ka tirsan degmada Gaarisa

 

Isniin, Janaayo, 21, 2019 (HOL)-Laamaha ammaanka ee Kenya waxay sheegeen inay fashiliyeen weerar dabley hubeysan ay ku qaaday deegaan ku yaalla magaalada Gaarisa.

Mas'uuliyiinta  waxaa ay sheegeen sheegeen in dableyda oo lagu tuhunsan yahay inay Al Shabaab ka  tirsan yihiin ayaa bartilmaameedsaday labo shirkadood oo Shiinees ah oo dhisaya waddada isku xirta magaalooyinka Gaarisa iyo Wajeer.

Waxaa ay  intaasi ku dareen in booliska iyo militariga ay ka falceliyeen weerarka  isla markaasna ay dileen afar kamid ah maleeshiyaadkii weerarka soo  qaaday, balse ma aysan sheegin saraakiil iyo shaqaalaha shirkadda oo wax dhaawac ah soo gaaray.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]