4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 21, 2019
Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ka hadlay xarigga Mukhtaar Rooboow

 

Isniin., Janaayo, 21, 2019 (HOL) – Magaalada Baydhabo waxaa ka soconaya kulamo u muuqda in lagu xalinayo shaqaaqadii ka dhalay xarigga Mukhtaar Rooboow oo sanadkii hore ciidamada Itoobiya ka qabteen gudaha magaalada Baydhabo isaga oo ka mid ahaa musharixiintii u taagneyd qabashada xilka madaxweynaha.

Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed Lafta-Gareen oo la hadlayay odayaasha iyo waxgaradka magaalada Baydhabo ayaa sheegay in uu rajo badan ka qabo in dib xoriyadiisa loo siiyo Mukhtaar Rooboow oo hadda ku jira gacanta dowladda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in arintan uu kala hadlay madaxda ugu sareysa dalka sida madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal, sidaa daraadeed rajadiisu tahay in la sii daayo wadaadka.

Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ku xiran Muqdisho ayaa ka mid ahaa Musharaxiintii ugu saameynta badneyd ee isku soo taagtay qabashada xilka madaxweynaha, waxaana xariggiisa dad badan u arkayeen mid ay dowladdu culeys ku saareyso musharaxa oo laga cabsi qabay in uu ku soo baxo doorashada.

Wasaarradda Amniga ayaa qoraal ay soo saartay markii la xiray kaddib waxaa ay ku sheegtay in wadaadka magaalada uu ka waday falal amniga ka dhan ah.

Laakiin taa badalkeeda dad badan ayaa u arkayay xariggiisa mid culeys lagu saarayay Mukhtaar Rooboow oo ka mid ahaa musharixiintii ugu saameynta badneyd olalaha doorashada, waxaana xusid mudan in kol hore dowladdu uga digtay in uu doorashada ka haro.

Madaxweynaha cusub ee maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-Gareen oo dhinaca dowladda u janjeera ayaa hadda u muuqda in uu bilaabay kulamo dib u heshiisiin ah iyadoo siddii uu u kasban lahaa bulshada gobolka oo siweyn uga hortimid xarigga Mukhtaar Rooboow.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]