Xisbiga KULMIYE oo shaaciyey in shirweynaha golaha dhexe lagu qaban doono magaaladda Boorama
Sabti, Janaayo, 19, 2019 (HOL)-Xisbiga kulmiye ayaa maanta shaaciyey in shirweynihii golaha dhexe lagu qabanayo magaaladda Boorama ee gobolka Awdal.
Shirweynaha golaha dhexe ayaa
qabsoomi doonna 23/2/2019 illaa 24/2/2019, waxaana kaadh qaadashada xubnaha
golaha dhexe la bilaabi doona 10/2/2019, waxaaana lagu dooran doona hogaanka
xisbiga.
Inta badan shirweynaha xisbiga
kulmiye waxa ka dhasha khilaafyo siyaasadeed oo keentay in xisbiga qaar ka
baxaan, taas oo la isku qabto cidda qabanaysa hogaanka oo rag waaweyn oo
xukuumadii hore ee Axmed Siilaanyo doonayaan inay hogaanka la wareegaan
xisbiga.
Sidoo kale, waxa shirweynahan ku
cusub in markii ugu horeysay lagu qabto magaalada Boorama, taas oo dadku is
waydiinayaan sababta loola fogaanayo shirweynaha, waxaanay dadka siyaasada
falanqeeya tilmaamaya in sababtu tahay in rag waaweyn oo xisbiga ah oo doonaya
inay hogaanka noqdaan loo quusgoynayo.
Sidan oo kale, ayaa 2008-kii gudoomiyihii
wakhtigaasi ee Axmed Siilaanyo uu shirweynihii xisbiga ku qabsaday magaalada Burco,
waxaana wakhtigaasi qaabkii shirkaasi loo qabtay ka cadhooday oo ka baxay
xisbiga Siyaasiyiin waaweyn oo uu hogaaminayey madaxweyne ku xigeenkii hore eee Somaliland Cabdiraxmaan Aw Cali, waxaana
khilaafkaasi waagaasi ka faaiidaystay madaxweynaha hadda Muuse Biixi oo
heshiish la galay Axmed Siilaanyo inuu xisbiga ku wareejiyo marka uu
madaxweynaha ku guulaysto, taasina waxay keentay in Siilaanyo muddo gaaban ka
dib markii uu madaxweynaha noqdo ku wareejiyey Muuse Biixi xisbigii.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.