4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 19, 2019
Al-shabaab oo saaka aroortii weerartay Saldhig ku yaal J/hoose

Sabti, Janaayo, 19, 2019 (HOL)-
Maleeyshiyaad ka tirsan Al-shabaab ayaa saaka aroortii weerar qorsheeysan ku qaaday Saldhig ay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Baar-sanguuni oo qiyaastii 50 km dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo.

Weerarkan oo markii hore ku bilowday qaraxyo ay Al-shabaab ku weerareen afaafka hore ee Saldhigga ayaa labada dhinac waxaa dhexmaray dagaal fool-ka-fool ah.

Sarkaal ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo codsaday in aan magaciisa la xigan sababo la xiriira in uusan amar u qabin in uu warbaahinta la hadlo ayaa HOL u sheegay in dagaalka intuusan bilaaban ay  Shabaabku laba Qarax oo waaweyn midna ay ka fuliyeen bannaanka saldhigga midna nawaaxiga saldhigga, kadibna ay xigtay rasaas fool-ka-fool ah oo dhexmartay labada dhinac.

Ma cadda qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay iska horimaadka mana jiraan masuuliyiin ka tirsan Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka faahfaahin ka bixiyay.

Wararka aynu ka heleeyno deegaanka Baar-sanguuni ayaa intaasi ku daraya in gaari walxaha qarxa laga buuxiyay oo Shabaabku uga carareen nawaaxiga Buundada uu qarxay.

Wixii kusoo kordha wararkaasi dib ayaanu idinka soo gudbin doonnaa.

23-ka Bisha July, ee sanaddii tagtay 2018 ayay ahayd markii sidan oo kale ay Shabaabku weerar ugu qaadeen saldhiggaasi, xilligaa oo ay u suurogashay in ay la wareegaan, wallow markii danbe laga saaray.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.