Dowladda oo xirtay Askari laaluush ka qaatay qof shacab ah oo gaari watay
Jimco, Janaayo, 18, 2019
(HOL)- Taliska ciidamada Booliiska
Soomaaliyeed ayaa faah faahin ka bixiyay xariga Askari ka tirsanaa ciidamada dowladda oo la sheegay in uu laaluush qaatay.
Afhayeenka ciidamada booliiska
Khaasim Axmed Rooble oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Askariga uu ka
soo muuqday baraha bulshada isaga oo lacag dhan $ 5 dollar ka qaadanaya Nin
shacab ah oo gaari watay.
‘’Askarigan la xiray waxaa lagu
magacaabaa Cabdi Cabdulle Xassan ayaa maalintii shalay joojiyay mid ka mid ah
gaadiidka magaalada Muqdisho oo qof Shacab ah oo uu watay, waxaa uu ka qaaday
Buuggii gaariga, kaddibna waxaa uu yiri Leysan-kii ma hayo, markii uu intaa
yiri –na waxaa uu weydiistay lacag dhan $ 5 dollar, markii uu arintaa ogaaday
taliyaha ciidamada Booliiska waxaa uu amar ku bixiyay in la soo xiro Askarigaa
oo loo gudbin doono maxkamad’’ ayuu yiri afhayeenka ciidamada Booliiska.
Waxaa uu uga digay ciidamada
dowladda Soomaaliya in ay isku dayaan qaadashada lacagaha baadda ah ee
dadweynaha, isaga oo dhinaca kalana kula dardaarmay bulshada in ay laamaha
Amniga la soo socodsiiyaan kuwa dhibaatada ku haya ee ciidamada ka tirsan.
Horey dowladda Soomaaliya ayaa
sidan oo kale xabsiga u dhigtay ciidamo ka tirsan dowladda oo danbiyo kala
duwan ka galay dad shacab ah kuwaa oo qaarkood lagu xukumay dili, kaddib markii
ay si bareer ah u dileen dad rayid ah.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]