4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 4 , 2019
Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay dilka maareyaha dekedda Boosaaso Paul Anthony

Isniin, Feberaayo, 04, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa goor dhow sheegay Puntland inay qaadeyso tallaabo jawaab u ah dilka maareyaha dekedda Boosaaso ee shirkadda P&O Ports ,Paul Anthony Fermosa.

Madaxweyne Deni, ayaa tacsi u direy qoyska maareyaha geeryooday iyo shirkadda P&O Ports ee gacanta ku haysa dekedda magaalada Boosaaso, wuxuuna falka ku tilmaamay mid argagixiso ah oo lagu waxyeeleynayo sharafta shacabka Puntland iyo dowladoodaba.

"Cid walba oo ku lug yeelata dilka ha joogan dalka iyo dibaddaba waa dambiilayaan, tallaabo ayaana laga qaadi doonaa". ayuu yiri madaxweyne Deni oo inta raaciyay "Laamaha amniga waxaan faraya inay heegan u galaan si looga hortago weerarrada cadawga maleegayo".

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka loo geystay madaxa shirkadda P&O Ports ee dekedda Boosaaso, Paul Anthony Fermosa.

Guddoomiyaha gobolka Bari ,Yuusuf Maxamed Wacays ayaa sheegay in Paul subixii hore ee Isniinta maanta lagu dilay guri uu degenaa oo aan sidaasi uga fogeyn dekedda Boosaaso.

" Ninkaasi xabadihii lagu dhuftay ayuu u dhintay, laba askari oo ilaaladiisa ahaa waa dhaawac, waxaa kale oo dhaawac ah nin Hindi ah oo uu u shaqeynayay, waxaana gacnta ku heynaa ninkii weerarka geystay oo dhaawac ah, waana la daweynayaa.". Sidaasi waxaa BBC-da u sheegay guddoomiyaha gobolka Bari.
Paul Anthony Farmosa
Paul Anthony Farmosa


Paul Anthony Farmosa oo 53 jir u dhashay dalka Malta,halkaas oo u ku soo bartay maareynta dekedaha.Sannadihii 2013-ka illaa iyo 2016 waxaa uu kasoo shaqeeyay dekedaha dalka Sudan, halkaasi oo uu ka ahaa maareye ku xigeen, waxaana sidoo kale uu kasoo shaqeeyay dalal ay kamid yihiin Moroco iyo Imaaraadka Carabta.

Paul ayaa sidoo kale ahaa tabbabare arrimaha dekedaha iyo maamule aqoon durugsan u lahaa howlaha dekedaha.Intii u dhaxeesay bilihii Jannaayo illaa iyo Luuliyo ee sannadkii 2017-ka waxaa uu sheegay in uu kasoo shaqeeyay dalka Guinea, wixii intaa ka dambeeyay na waxaa uu bishii Agoost ee sannadkii 2017-ka uu ka shaqo billaabay magaalada Boosaaso ee Soomaaliya, halkaasi oo uu uga shaqeynayay shirkadda maamusho dekedda Boasaaso ee P&O Ports , kana ahaa maareyaha dekedda.

Shirkadda P&O Ports  oo ay leedahay shirkadda fadhigeedu yahay dalka Imaaraadka Carabta ee DP World ayaa heshiis soddon sanno ah kula jirta Puntland, waxa  heshiiska qayb ka ah shirkadda inay ballaariso dekedda dayactir iyo casriyeenna ku sameyso.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]