4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 4 , 2019
Madaxii shirkadda P&O Ports ee dekedda Boosaaso oo geeryooday

Isniin, Feberaayo, 04, 2019 (HOL)-   Madaxii dekedda Boosaaso ee shirkadda P&O Ports ,Paul Anthony Fermosa ayaa u geeryooday dhaawac ka soo gaaray weerar subaxnimadii hore ee Isniinta maanta ka dhacay dekedda Boosaaso, sida ay saraakiisha xaqiijiyeen.

Weerarka waxaa ku dhaawacmay labo ka mid ah ilaalada sarkaalka, iyadoo wararka ay inta ku darayaan in gacanta lagu hayo ninka fuliyay weerarka.

Kooxda al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarka.

Paul Anthony , oo u dhashay jasiirada Malta ayaa loo magacaabay maamullaha dekedda Boosaaso 12kii bishii Oktoobar ee sannadkii 2017 .

Xukuumaddii hore ee Puntland ayaa muddo 30 sanno ah ku wareejisay maamulka dekedda Boosaaso shirkadda P&O Port oo ay leedahay shirkadda fadhigeedu yahay dalka Imaaraadka Carabta ee DP World.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]