Labo Nin oo u eg madaxweynayaal caan ka ah dunida oo dadka ka yaabsaday
Isniin, Feberaayo, 04, 2019 (HOL)- Labadan nin lagama
garanayo madaxweyenaha Philiphine,Rodrigo Duterte iyo hoggaamiyaha Kuuriyada
Waqooyi Kim Jong-un, aad ayay ugu egyihiin muqaal ahaan iyo socodba, waxaa lagu
arkay labadan nin waddooyinka magaalada Hong Kong ee dalka Shiinaha iyagoo
sawirro isla galaya oo wada fadhiyo maqaaxi ku taalla halkaasi.
Dadkii ku dhawaa labadan nin ayaa sheegay in ay
iska dhigayeen labada madaxweyne balse aysan aheyn hoggaamiyeyaasha dalalkaasi.
Waxaana lagu kala magacaaba Cresencio Extrem waa
ninka u eg (Duterte) iyo Howard X oo u eg hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi (Mr
Kim).
Lama kala garanayo labadan Nin iyo
madaxweynayaasha dalalka Kooriyada Waqooyi iyo Philiphine, taasoo keentay in
wajiyadooda ay soo jiitaan dad badan oo qaarkood bilaabay markii ay arkeen in
ay sawirro la galaan.
Gaar ahaan Howard X oo ah Ninka u eg madaxweynaha
Kooriyada Waqooyi ayaa la leeyahay dhinaca socodka waxba kama duwana Kim
Jong-un.
Sawirka dadka soo jiitay ayaa ahaa iyaga oo wada
cunaya hilib digaag gacmahana is dhaafsanaya, dadka qaar ayaaba u qaatay in ay
yihiin madaxweynayaasha Kooriyada Waqooyi iyo Philiphine, laakiin xaqiiqdu waxey tahay in labada Nin aysan aheyn madaxweynayaal.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]