Taliska ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo sheegay in ay qaadayaan dagaal ka dhan ah Al-shabaab
Isniin, Feberaayo, 04, 2019 (HOL)- Taliska
ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ku dhawaaqay mar kale dagaal ka dhan
ah Ururka Al-shabaab oo sanadkan looga xoreynayo deegaannada ay ka maamulaan
dalka.
Taliyaha ciidamada xoogga dalka
Soomaaliyeed Gen Daahir Aadan Cilmi Indhoqarshe ayaa ku dhawaaqay howlgal
ballaaran oo dhawaan ka bilaaban doona guud ahaan Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in ay furi doonaan
wadooyinka ay go’doomiyeen Al-shabaab, islamarkaana uu qorshuhu yahay in
dhammaan Al-Shabaab laga saaro gobolada dalka.
Taliska ciidamadaxoogga dalka Soomaaliyeed ayaa horay
dhowr jeer ugu dhawaaqay howlgallo Al-shabaab looga saarayo gobolada dalka,
mana jirto ilaa iyo hadda tilaabo ay qaadeen oo dhaqan-gashay.
Al-shabaab ayaa gacanta ku haya oo maamulo
deegaanno dhowr ah oo ku yaala Koonfurta iyo Bartaha Soomaaliya, iyaga oo
dhinaca kalana go’doomin ku haya dhulka ay maamusho dowladda oo ay adag tahay
in leysaga gudbo.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]