Madaxweyne Waare oo walaac ka muujiyay ka bixintaan qeyb ka mid ah ciidamada Burundi ee ka howlgala Soomaaliya
Axad, Feberayo, 03,2019 (HOL)-Madaxweynaha maamul gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa walaac ka muujiyay ka bixintaanka qeyb ka mid ah ciidamada Burundi ee Soomaaliya.
Madaxweyne Waare oo la kulmay Madaxa howlgalka AMISOM ee Soomaaliya Francisco Madeira iyo saraakiil kale oo ka tirsanaa AMISOM ayaa u sheegay in ay tahay arrin aan la gaarin xilligeeda, ayna tahay mid aad u xanuun badan in ciidamada Burundi laga saaro dalka saaro.
Waxaa uu sheegay in tallaabadaa dalka looga saarayo ciidamada Burundi abuuri karto khalkhal nabad-galyo gaar ahaan deegaannada Hirshabeelle.
“Waan idin kaga mahad celineynaa mudanayaal, marti gelinteenna halkan
ee maanta, si aan uga doodno qorshahan kala guurka ah, waxaa ay ila
tahay qorshahan kala guurka ah ugu dambeyntii waa dhab,laakiin waxaa
jira go’aanno xanuun badan ,wali waxaa dhiman howlo badan oo ay tahay in
la qabto, waxaanse idin ballan qaadayaa in Hirshabeelle ay sameyn
doonto waxkasta oo ay awoodda oo ay tahay in la sameeyo, taas oo la
xiriirta in kaliya qorshaha kala guurka la hirgeliyo ee sidoo kale aanan
luminin guulahii hore aan u gaarnay” ayuu yiri Waare.
Midowga Africa ayaa qorsheynaya in 28-ka bishan dalka looga saaro 1,000 askari oo ka mid ah Ciidamada Burundi, taasoo qeyb ka ah qorshaha lagu dhimayo Ciidamada AMISOM.