4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 3 , 2019
Al-shabaab oo xalay weeraray degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose

 

Axad, Feberaayo, 03, 2019 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in Ururka Al-shabaab xalay saqdii dhexe weerar ku qaadeen qeybo ka mid ah degmada.

Dadka degmada oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xalay saqdii dhexe ku soo tooseen dhawaqa rasaas xoogan oo ay is weydaarsanayeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogga weerarka soo qaaday.

Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre ayaa warbaahinta u sheegay ciidamada dowladda siweyn isaga caabiyeen weerarka lagu soo qaaday, waxaana uu intaa ku darray in uusan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay dagaalka.

Laakiin dad ku sugan degmada Afgooye ayaa sheegaya in dagaalku sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac.

Afgooye ayaa marar badan oo hore waxaa sidan oo kale weerar ugu soo qaaday dagaalyahanno ka tirsan Ururka Al-shabaab, waana halka ugu badan oo ay ka dhacaan weerarrada toos ah gobolka Shabeellaha hoose.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]