Duqeyn mar kale lagu beegsaday Al-shabaab gobolka Hiiraan
Sabti, Feberaayo, 02, 2019 (HOL)- Sida lagu baahiyay warbaahinta dowladda
Soomaaliya diyaarado dagaal ayaa mar kale duqeyn ka geystay qeybo ka mid ah
gobolka Hiiraan oo saldhig u ah xoogag ka tirsan Ururka Al-shabaab.
Duqeyntan ayaa gaar ahaan ka
dhacday inta deegaanada Boq-Goosaar iyo
Burdhe ee dhaca galbeedka magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.
Dad ku nool tuulooyin aagaas
ku dhow ayaa sheegaya iney maqleen qaraxyo waaweyn oo ka dhashay gantaalaha
lagu duqeeyey saldhiga Al-Shabaab
Al-Shabaab ayaa la sheegay in
duqeyntan loogu geystay khasaare xoogan inkastoo aan la heynin faahfaahinta
waxyeelada ka dhalatay weerarkan u dambeeyey.
Maalmo ka hor ayey aheyd
markii sidan oo kale dayuurad uu maraykanku leeyahay ay gantaalo ku weerartay
saldhig ay Al-shabaab ku laheyd degaanka Luuq-Jeelow oo 25-km u jira magaalada
Beled-weyne.
Wali ma jiro wax ah oo ka soo
baxay dhinaca Al-shabaab ama taliska Mareykanka Africom oo sheegtay duqeyntii
dhawaan lagu weeraray deegaan ka tirsan gobolka Hiiraan oo taliska Mareykanku
sheegay in lagu dilay 24 dagaalyahan.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]