4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 2 , 2019
Dowladda Soomaaliya oo Hay’adaha gargaarka kala hadashey kordhinta howlaha samafalka

Sabti, Feberaayo, 02, 2019 (HOL)–  Wasaaradda gargaarka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya iyo hay'adaha samafalka ayaa kulan ay Muqdisho ku yeesheen waxaa looga hadlay howlaha gargaarka dalka iyo ka hortagga dhibaatooyinka bani'aadanimo ee dalka ka jira.

Kulanka oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda gargaarka, ayaa inta uu socday waxaa wasaaradda iyo hay'adaha  ay isla garteen sidii loo kordhin lahaa howlaha gargaar ee Soomaaliya,si loo bad baadiyo nolosha dad badan,lagana hortaggo dhibaato kasta oo ka dhalankarta xaaladaha bani’aadanimo.

"Shirkan wuxuu ku saabsanaa xaaladaha bani’aadanimo ee dalka kajira,waxaan la kulanay hay’adaha samafalka ee dalka ka howlgalla,waxyaabaha aan diiradda ku saarnay ayaa ah sidii hay’adahaasi ay u kordhin lahaayeen howlaha samafalka ay dalka ka wadaan,si looga hortaggo dhibaatooyinka bani’aadanimo,si loo badbaadiyo nolosha bulsho badan”". ayuu yiri wasiirka wasaaradda gargaarka ee xukuumadda Soomaaliya,Xamsa Siciid Xamsa.

Wasiirka ayaa inta ku daray inuu shirkan qayb ka yahay dadaalka ay dowladda Soomaaliya ugu jirto sidii looga gaashaaman lahaa waxyaabaha keena dhibaatooyinka abaaraha ee soo laa laabta iyo sidii bulshada dhibaataysan looga caawin lahaa in ay helaan biyo iyo daryeel nololeed.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]