4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 2 , 2019
Saraakiisha Booliska Galmudug iyo Puntland oo Gaalkacyo ku shiray

Sabti, Feberaayo, 02, 2019 (HOL)–  Saraakiisha Ciidanka Boliiska  ee ka howl-gasha deegaannada Galmudug iyo Puntland ayaa kulan looga hadlayo xoojinta nabad-gelyada waxa ay ku yeesheen magaalada Gaalkacyo.

Kulanka waxaa lagu gorfeeyay sidii ay wada shaqayn dhow u yeelan lahaayeen Ciidanka Booliiska ee ka howl-gala Puntland iyo Galmudug.

Saraakiishii ka qeyb gashay kulanka ayaa dhammaantood waxa ay soo dhoweeyeen isu imatinka dhex maray, iyagoo ka faallooday ahmiyadda ay u leedahay nabad gelyadda, haddii la helo wadashaqeyn dhameystiran oo u dhaxeeysa Ciidammada Booliiska ee ka howl-gala Galmudug iyo Puntland.

Waa markii ugu horreysay ee kulan caynkan oo kale ah uu ka dhaco magaalada Gaalkacyo, iyadoo ay muddooyinkii dambe jireen dadaallo la xiriira iskaashiga dhanka ammaanka oo u dhexeeya Ciidammada Boliiska labada ee maamul.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]