Maxkamad ku taalla Kenya oo sii deysay Saddex Qof oo loo haystay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab
Jimco, Feberaayo, 01, 2019 (HOL)-Maxkamad ku taalla Kenya oo sii deysay Saddex Qof oo loo haystay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.
Abdul Kibiringi, James Mwai Mwangi iyo Habiba Geeddi Hunshur, ayaa
Maanta oo Jimca ah xorriyooda dib u helay, markii ay Maxkamaddu sheegtay
in ay laamaha ammaanku baaritaan ka dib ku waayeen dembiyadii lagu soo
eedeeyay.
Maxkamadda ayaa caddeysay in qeybta Boliiska u qaabbilsan la dagaallanka argagixisadu ay xireen Gal-dacwadeedkii ka yiillay dadka la fasaxay, laguna waayay tuhunkii ku aaddanaa in ay wax ka ogaayeen weerarkii ay Al-Shabaab ka geysatay Nairobi.
Kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa 15-kii January ee Sanadkan
weerar ku qaadday dhismaha Dusit D2, ee Magaalada Nairobi, halkaas oo ay
ku dhinteen inta la ogyahay 21 qof.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]