4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 24, 2018
Ciidamada dowladda iyo AMISOM oo dagaal ku dilay 35 ka tirsan xoogagga Al-shabaab

 

Isniin, September, 24, 2018 (HOL)– Ciidamada dowladda Soomaaliya oo gacan militari ka helaya kuwa howlgalka AMISOM ayaa dilay 35 ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab kaddib dagaal xoogan oo xalay ku dhaxmaray degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Guddoomiye ku-xigeenka degmada Qoryooley ee dowladda Soomaaliya Cabdi Axmed Cali ayaa warbaahinta u sheegay in dhanacooda uu ku dhintay hal askari oo kaliya mid kalana uu dhaawac soo gaaray.

‘’ Ciidamada waxaa ay dileen 35 ka tirsan xoogaggii weerarka soo qaaday ee Al-shabaab qaar kale oo bandanna waa ay dhaawacmeen, dagaalkana waa lagu jabiyay ayuu yiri Cabdi Axmed Cali.

Sida ay ugu suurtagashay in dileen 35 dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab dhinacooda uu ku dhinto hal askari oo kaliya ayuu ku minceeyay in ay ka sii war hayeen weerarka uga soo fool leh Al-shabaab una diyaar-garoobeen.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Al-shabaab oo la xiriira sheegashada dhinaca dowladda ee ah in la dilay 35 ka tirsan xoogaggooda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]