4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 24, 2018
Waabari oo ku guuleysatay tartankii kubadda Cagta degmooyinka gobolka Banaadir

 

Isniin, September, 24, 2018 (HOL)– Xulka Kubadda Cagta degmada Waaberi ayaa ku guuleystay cayaarihii degmooyinka Gobolka Banaadir kadib markii ay 1-0 ku garaaceen dhigooda degmada Shibis.

Cayaartan oo goor dhaw uun soo idlaatay ayaa waxaa ka soo qayb galay kumanaan kun oo taageerayaal ah waxaana buuxsamay garoonka Koonis oo lagu qiyaaso in uu qaado in ka badan Soddon Kun oo taageerayaal ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa goobjoog u ahaa daawashada cayaarta.

Qeybtii hore ee kulanka waxaa lagu kala nastay 1-0 oo ay ku hoggaamineysey degmada Waaberi oo sidoo kale qabatay, iyada oo ugu dambeyn ay ku soo idlaatay 1-0 oo ay ku badisay Waaberi.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa koobka gudoonsiiyay degmada Waaberi oo koobka ku guuleysatay, waxaana caawa Waaberi ka dhacay dabaaldegyo waa weyn oo farxada koobka loogu tala galay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]