Xukuumadda Somaliland oo la wareegtay Shaybaadhkii Shiidaalka Haamaha Berbera
Isniin, September, 24, 2018 (HOL)–
Madaxweynaha
Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto ku soo wareejiyey Shaybaadhka
Shiidaalka Haamaha Berbera oo markii hore ganacsato gaar ah maamuli jireen.
Madaxweynuhu wareegtadan waxa uu ku sheegay in
Heshiiska ku taariikhaysan 19/09/2015 ee ay wada galeen Xukuumadda Somaliland
iyo Shirkadda Interstate Testing and Support Services (ITSS) sanadkii 2015-kii,
ujeeddadiisuna ahayd Shaybaadhka Shidaalka Haamaha Dekedda Berbera;
“Markaan Arkay: Muhiimadda ay leedahay xaqiijinta
iyo hubinta tayada shidaalka dalka soo galaya, si loo ilaaliyo hantida iyo
dhaqaalaha shacabka Somaliland;
Markaan Garawsaday: In heshiiska Shaybaadhka
Shidaalka Haamaha ee Dekedda Berbera aanu ka turjumayn danta guud, isla
markaana aanu la jaan-qaadi karin hab-sami u socodka adeegyada baadhitaanka iyo
dhawridda tayada shidaalka la soo dejiyo ee Haamaha Shidaalka Berbera uu
go’aansaday inay gacanta xukuumadda lagu soo wareejiyo.”ayaa lagu yidhi qoraal
ka soo baxay xafiiska madaxweynaha.
Waxaamna laga soo saaray go’aan afar qodob ka
kooban:
1) In la buriyey heshiiska Shaybaadhka Shidaalka
Haamaha Berbera ee ku taariikhaysan 19/09/2015, kaas oo ay wada galeen Xukuumadda
Somaliland iyo Shirkadda Interstate Testing and Support Services (ITSS).
2) In Xukuumaddu ay gabi ahaanba la wareegtay, si
sharciga waafaqsan, maamulka, iyo lahaanshaha qalabka iyo hantida Shaybaadhka
Shidaalka Haamaha Berbera ee ay hore u lahayd shirkadda (ITSS).
3) In Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha
Iyo Dalxiiska, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, Hanti-dhawraha Guud
ee Qaranka, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka iyo Maareeyaha Haamaha Kaydka Shidaalka
Qaranku ay keenaan qiimaynta dhabta ah ee dhaqaalaha ay Shirkadda ITSS ku
maalgelisay Shaybaadka Haamaha Shidaalka Berbera.
4) In lagu wareejiyo Shaybaadhka Shidaalka
Maareeyaha Haamaha Kaydka Shidaalka Qaranka.
Horaantii sanadkan
ayaa dalka waxa yimid Shiidaal xun taas oo dhibaato badan u keenay gaadiidkii
lagu shubay, taas oo keentay in shiidaalkii Shiidaalka keenay la ganaaxo, halka
shirkadii shiidaalka keentay ku eedeysay in shirkadda Shaybaadhka fasax u
siisay inay shiidaalkaasi dalka soo gallo.
Ugu dambeyntii
xukuumadda ayaa Kaydka Haamihii shiidaalka iyo mishiinkii shaybaadhka oo dad
gaar ahi maamuli jireenba xukuumadu la wareegto oo hanta qaran laga dhigo.
Barkhad-ladiif
M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa,
Somaliland.