Al-shabaab oo xalay weeraray degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelllaha Hoose
Isniin, September, 24, 2018 (HOL) – Wararka ka
imanaya degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in xalay
degmada weerar culus ku qaadeen xoogag ka tirsan Al-shabaab.
Goobjoogayaal ku sugan degmada Qoryooley ayaa
warbaahinta u sheegay in dagaalka oo saacado badan qaatay ciidamada dowladda
iyo Al-shabaab isku weydaarsadeen hub culus.
Ciidamada dowladda ee ku sugan degmada Qoryooley
oo gacan ka helay ciidamo kale oo gurmad ah ayeey wararku sheegayaan in ay iska
caabiyeen xoogagga weerarka soo qaaday oo adeegsaday hub culus.
Mas’uuliyiinta dowladda ee degmada ayaa sheegay
in khasaaraha dhinacooda ka soo gaaray dagaalka uu ahaa mid kooban, laakiin ma
aysan sheegin tiro dhimasho iyo dhaawac oo ka soo gaaray iska horimaadka labada
dhinac.
Khasaaraha rayidka ka soo gaaray dagaalkii xalay
dhacay ayaa lagu sheegay in uu gaarayo dhimashada hal qof iyo dhaawaca qof kale
oo rayid ah.
Al-shabaab ayaa weerarrada ugu badan ka geysta
gobolka Shabeellaha Hoose oo ay ku xooggan yihiin.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]