Al-shabaab oo warbaahinta u soo bandhigtay sawirro muujinaya khasaaraha duqeyntii Saakoow
Khamiis, September. 20, 2018
(HOL)- Ururka Al-shabaab ayaa
warbaahinta u soo bandhiggay sawirro iyo muuqaalo ka tarjumaya khasaaraha
rayidka ka soo gaaray duqeyn diyaarado habeen hore ka geysteen degmada Saakoow
ee gobolka Jubbada dhexe.
Duqeynta ayaa dadka ku dhintay la
sheegay in ay ka mid ahaayeen saddex carruur ah oo muuqalka meydadkooda lagu
baahay baraha bulshada, halka sidoo kalana uu bur bur xoogan soo gaaray madrasad
wax lagu barto iyo isbitaalka degmada Saakoow oo duqeynta bur bur weyn u
geysatay.
Laakiin dowladda federaalka Soomaaliya oo war ka
soo saartay shalay duqeyntan ayaa sheegtay in lagu dilay dagaal yahanno ka
tirsan Al-shabaab, halka sidoo kalana lagu dhaawacay Sheekh Xasan Yacquub oo ka
mid ah saraakiisha sare ee Al-Shabaab, sida uu warbaahinta dowladda u sheegay Wasiir
kuxigeenka Warfaafinta Aadan Isaaq.
Ma jirto dowlad la sheegay in ay duqeyntaasi
fulisay, hasse ahaatee inta badan duqeymaha lagu beegsado xarumaha Al-shabaab
ee gobollada Koonfurta waxaa sheegtay dowladda Mareykanka qeybta u qaabilsan
howlgalka Africa.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]