4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 18, 2018
Madaxweyne Biixi oo safar shaqo ugu anbobaxay gobolada Bariga Somaliland

Axad, November, 18, 2018 (HOL) -Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefdi uu hoggaaminayo, ayaa markii ugu horeysay sanad ka dib markii la doortay  safar shaqo ugu anbobaxay gobolada bariga, taas oo dadweynihii deegaanka uu marayey ku soo dhoweeyeen.

Wefdiga uu hoggaaminayo madaxweyne Biixi waxa la socday xubno ay ka mid yihiin wasiirrada wasaaradaha Gaashaandhigga, Mudane Ciise Axmed Yuusuf, Horumarinta Beeraha, Mudane Axmed Muumin Seed, iyo Diinta iyo Awqaafta, Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, Caafimaadka, Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf, guddoomiye-ku-xigeenka saddexaad ee xisbiga KULMIYE, Xuseen Aadan Cadde, iyo siyaasiyiin kale oo ay kamid yihiin, Ambassador Cawil Cali Ducaale, Farxaan Aadan Haybe, xildhibaanno iyo xubno kale oo xukuumadda ka tirsan.

Madaxweynaha iyo wefdiga uu hoggaaminayo, ayaa ugu horrayn waxa lagu soo dhoweeyey magaalooyinka u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera, kuwaas oo caleemo qoyan ku soo dhoweyaneyey.

Maamulka gobolka Saaxil iyo degmada Berbera iyo shacabweyne tiro badan oo ku dhaqan magaalada Berbera, ayaa madaxweynaha iyo wefdigiisa kaga horyimi duleedka Galbeed ee magaalada, halkaas oo uu madaxweynuhu shacabka kula qaatay socod lug ah oo ay ku galeen magaaladda.

Afhayeenka madaxweynaha Maxamuud Warsame ayaa warbaahinta uga waramay ujeedadda madaxweynaha, waxaanu yidhi,“Wefdiga madaxweynaha iyo safarkiisu waxa uu daarran yahay inuu u kuurgalo xaaladaha kala duwan ee deegaannadan iyo gobolkan ka jira, sidoo kalena waxa uu madaxweynuhu dersayaa dedaalka horumarineed ee ay xukuumaddiisu guud ahaan deegaannada Somaliland, gaar ahaanna deegaankan aynnu saaka joogno, waxa uu sidoo kale dardargelin doonaa hawlihii horumarineed ee halkan ka socday.”

Af-hayeenku waxa uu maamulka gobolka Saaxil iyo guud ahaanba shacabka ku dhaqan gobolka iyo deegaannada hoos yimaadda uga mahadceliyey sida ay usoo dhoweeyeen.

Madaxweynuhu inta uu gobolada bariga marayo ayaa la filayaa inuu mashaariic uu ka hirgaliyey intii uu xukunka hayey xadhiga ka jaro iyo inuu mashaariic laga hirgalin doonana dhagax dhigo.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.