Baydhabo : Dad dibadbaxayay oo la kala eryay
Khamiis, November, 15, 2018 (HOL)-Booliiska magaalada Baydhabo ee xarunta KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed ayaa kala eryay dad shacab ah oo dibadbax ka dhigayay magaalada kuwaa oo taageero u muujinayay mid ka mid ah musharixiinta xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed,
Dadkan ayaa ku qeylinayay erayo ay ku taageerayaan musharaxa madaxweyne Mukhtaar Rooboow Cali Abuu-Mansuur iyaga oo ka dalbaday xildhibaannada in ay maqlaan codka shacabka, islamarkaana doortaan Mukhtaar Rooboow.
Wararka ayaa sheegaya in banaan baxyadan ay yihiin kuwo laga
abaabulay deegaanada Koofur Galbeed, kaasoo ujeedkiisa yahay sidii
Xildhibaanada Koofur Galbeed culeys loogu saari lahaa inay doortaan
Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.
Taliska Booliska Gobolka Baay ayaa soo saaray awaamiir ka dhan ah
dadka dibad baxyada ku dhigaya magaalada, waxaana ay uga digeen shacabka
inay qabtaan banaan bax aanay fasax u heysan.
Rooboow waxaa uu ka mid ahaa aas-aasayaashii Ururka Al-shabaab isaga oo soo noqday ku-xigeenka amiirka ugu sareeya Ururka, dhawaanna dowladda Soomaaliya waxaa ay ka joojisay in uu doorashada ka qeyb-qaato, laakiin hadda wali waa musharax isaga oo helay shahaadada guddiga doorashada ee musharxnimo.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]