May oo wajaheysa caqabado la xiriira Brexit
Khamiis, November, 15, 2018 (HOL)-Isku dayga ra’iisul wasaaraha Britain Therese May ay baarlamanka dalkaas uga dhaadhicineyso inay ansixiyaan heshiis ay Britain kaga baxeyso Midowga Yurub ayaa wajahaya caqabad hor leh, kadib markii maanta uu is-casilay wasiirkeedii Brexit, Dominic Raab.
Raab ayaa bayaan uu soo saaray oo uu ku muujinayo sida uu heshiiska
uga soo horjeedo ku sheegay in isaga oo miir qaba uusan taageeri karin
qodobada heshiiska.
Raab ayaa si gaar ah uga soo horjeeda qodob muhiim ah oo meesha ka
saaraya xuduud muuqata oo ay yeeshaan Waqooyiga Ireland oo ka tirsan
Britain iyo Jamhuuriyadda Ireland oo ka mid ah Midowga Yurub.
Waxa uu sheegay in heshiiskan uu Britain ka dhigayo mid aan lahayn
awood iyo sharci ay ku maamusho xuduudaheeda, islamarkaana uu helis
gelinayo heshiis ganacsi o mustaqbalka la gaaro.
Kadib is-casilaadda Raab, qiimaha lacagta giniga ee Britain ayaa si
xooggan hoos ugu dhacday marka loo eego dollar-ka Mareykanka.
May ayaa hadda wajahaysa shaqo adag oo ah inay baarlamanka ka
dhaadhiciso inay ansixiyaan heshiiska, oo si rasmi ah Britain uga
saaraya Midowga Yurub 29-ka March, 2019.
Isha Warkan ; VOA