4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 20, 2018
Dhalinyaro lagala baxay Xabsi ay dowladda maamusho dalka Liibiya

 

Axad, May, 20, 2018 (HOL) – Danjiraha midowga Yurub ee Soomaaliya Cali Saciid Faqi oo la hadlay Hiiraan ayaa sheegay in dhalinyaro maxaabiis ah lagala baxay xabsi ay maamusho dowladda dalka Liibiya oo lagu magacaabo Gariyan Shan maalmood ka hor.

Danjiraha ayaa sheegay in qaar ka mid ah dhalinyarada xabsiga lagala baxay ka boodeen gadiidkii ay la socdeen.

Ilaa iyo hadda lama oga cida ka danbeysa falkan, hasse ahaatee waxaa la tuhusan yahay in ay dhalinyarada la baxeen kuwa ka ganacsada Tabriibayaasha (Magafa-yaasha)

Dowladda Liibiya ayaa markii ay arintan ka war heshay bilaawday in ay ka soo saarto xabsiyada kala duwan ee magaalada Tripoli maxaabiistii ku jirtay.

Ilaa iyo hadda inta la xaqiijinayo Labo ruux ayaa ku dhimatay qafaalka lagula kacay maxaabiista, hasse ahaatee la sheegin jisiyadaha ay ka soo kala jeedaan Labada ruux ee dhimatay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]