4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 20, 2018
Maxkamada Racfaanka ee Hargeysa oo sadex sanno ku xukuntay Boqor Buurmadow

 

Axad, May, 20 ,2018 (HOL) – Maxkamadda Racfaanka ee gobolka Maroodi jeex ayaa maanta Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow ku xukuntay saddex sanno oo xadhig ah ka dib markii uu xukunkii hore ee shanta sanno uu racfaan ka qaatay.

Maalmihii u dambeeyey waxay dacwadiisu ka socotay maxkamada racfaanka ee gobolka Maroodi jeex ka dib markii uu maxkamadii hore uu racfaan ka qaatay, waxaana ugu dambayn maxkamadda Racfaanku ku xukuntay saddex sanno oo xadhig ah, wallow maxkamaddii hore xukunkeedu ahaa shan sanno oo xadhig ah.

Dhinaca kale, waxa ciidamada Booliska ee magaalada Burco ay xabsiga u taxaabeen Suldaan Maxamed Muuse Cunne oo ka mid ah madax dhaqameedka gobolka Togdheer oo mudooyinkii u dambeeyey eeddo usoo jeedinayey xukuumadda.

Xadhiga Suldaan Maxamed Cunne illaa hadda ciidanka amnigu kama hadal, islamarkaana lama sheegin sababta ka dambaysay xadhigiisa.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.