Ra’iisal wasaare Kheyre oo daah furay Imtixaanka Shahaadiga ee dalka
Sabti, May, 19, 2018 (HOL) – Ra”iisul Wasaaraha
Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa maanta daah furay Imtixaanaadka Shahaadiga
ah ee dalka, oo ay maanta u fariisteen 27,600 oo arday.
Dugsi 15-ka May oo uu ka
dhacayey imtixaanaadka oo si weyn loo adkeeyey amniga ayaa waxaa gaaray
Ra’iisul wasaaraha dalka oo ay wehliyaan guddoomiyaha gobolka Benaadir iyo
wasiirka waxbarashada Soomaaliya.
Ra’iisal wasaare Kheyre Kheyre oo ka hadlay daah
furka Imtixaanaadkaasi ayaa sheegay in waxbarashadu ay tahay qeybta ugu
muhiimsan ee horumarka daka, in wax la bartana ay astaan u tahay dib u dhiska
dalka.
“Waxaan u mahad celinayaa Aabayaashii iyo
Hooyooyinkii kasoo shaqeeyey in caruurtooda ay soo gaarsiiyaan halkaan, Inagana
ka dowlad ahaan waxaan ku dadaali doonaa insha allah sidii arday walbo uu fursad u
heli lahaa”ayuu yiri Xasan Cali Kheyre.
Ra”iisul wasaaraha dalka ayaa sidoo kale u mahad
celiyey cid waliba oo howshaan kasoo shaqeysay, gaar ahaana wasaaradda
waxbarashada dalka.
“Waa Iftiin Qaranimo Soomaaliyeed ay ka muuqato,
Waa Horumar uu wadankeenu ku tilaabsanayo, waxeyna ahaan doontaa howlaha
saldhiga u ah xukuumaddu iney ka shaqeyso”ayuu hadalkiisa sii raaciyey Ra”iisul
wasaaraha Soomaaliya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]