4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 19, 2018
27 Kun oo Ardey ah oo maanta u fariisanaya Imtixaankii Shahaadiga Dugsiyada sare ee dalka

 

Sabti, May, 19, 2018 (HOL) – Saakay oo Sabti ah ayaa lagu wadaa in guud ahaanba dalka Soomaaliya ay u fariisitaan Imtixaanka Shahaadiga ardey tiradoodu dhan tahay 27 Kun oo magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka.

Waxaa siweyn loo adkeeeyay amaanka xarumaha ay ka dhacayaan Imtixaannaadkan kuwaa oo la dhigay ciidamo Booliis ah.

Goobaha Imtixaanka lagu galaayo ayaa shalay oo Jimco aheyd waxaa la wareegay ciidamo loogu tala galay in ay suggaan Ammaanka xarumahaasi.

Wasiirka wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare Cabdiraxmaan Daahir Cismaan ayaa ardeyda ugu baaqay in ka faa’ideystaan Imtixaanka oo sida uu hadalka u dhigay muhiim u ah ardeyda dugsiyada sare.

Magaalada Beledweyne oo ay dadaad ku fataheen ayuu sheegay in Wasiirku in dib loo dhigay ardeydii Imtixaanka ku gali laheyd, isaga oo sheegay in marka ugu soo horeysay oo ay suurtagal noqoto in ay u fariisan doonaan ardeyda magaalada Beledweyne Imtixaankan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]