4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 14, 2018
Shirka madaxda dowlad gobolleedyada oo maanta ka furmaya Baydhabo

 

Isniin, May, 14, 2018 (HOL) - Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu wadaa in uu maanta ka furmo shirka madaxda dowlad gobolleedyada oo dhamaantood maalintii shalay halkaa gaaray.

Kulanka ayaa waxaa ka qeybgali doona maanta madaxweynayaasha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas, madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), madaxeynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf), Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo madaxweyne Shariif Xassan oo marti loo yahay.

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana xerooyinka laga soo saaray ciidamo cusub, kuwaasi oo la dhigay wadooyinka iyo xarunta shirka lagu qabanayo, si ay uga hortagaan arbushaad dhacda inta uu socdo kulanka.

Madaxweynayaasha ayaa kulankooda maanta uga wada hadli doona guud ahaan xaalada siyaasadeed ee dalka, Amniga, iyo khilaafka Soomaaliya iyo Imaaraadka carabta.

Kulankan ayaa noqonaya kii labaad oo yeeshaan madaxda dowlad goboleedyadda ee ku mideysan dalladda Golaha Iskaashiga dowlad goboleeyadda, kaddib kulan bishii October 2017-kii ay ku yeesheen magaalada Kismaayo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]