Putin oo guulweyn ka soo hooyay doorashadii madaxtinimada Ruushka
Isniin, Maarso, 19, 2018 (HOL) - Madaxwayne Vladimir Putin ayaa 6 sano oo
kale xafiiska sii hayn doona ka dib markii uu si wayn ugu guulaystay
doorashadii dalkaasi ka dhacday.
Khudbadda guusha oo uu ka jeediyay magaaladda Moscow ayaa waxaa uu sheegay
in natiijada doorashada uu u arko in ay tahay kalsooni la siiyay waxqabadkiisa.
Waxaa uu bogaadiyay guusha uu ka gaaray doorashada madaxtinimda Ruushka,
waxaa uuna sheegay in arrintani ay ku timid waxqabadkiisa.
Mar u ka hadlayay isu soo bax balaaran oo lagu qabtay bartamaha cassimada
Moscow ayaa madaxwayne Putin waxaa uu sheegay in natiijada doorashada ya ka
tarjumeeyso kalsooni iyo ay shacabka ku qabaan.
Madaxwayne Putin ayaa waxba kama jiran ku tilmaamay su’aalaha ku saabsan in
uu xilka hayni doono inta cumrigiisa ka dhiman.
Mr Vladimir Putin ayaa dalka Ruushka ka talinayay tan iyo sanadii 1999 oo uu
mar ahaa rai’sul wasaare.
Madaxwayne Putin ayaa waxaa doorashadan kula loolamaysa 7 musharax oo kale .
Hogaamiyahii Mucaaradka ee ugu cadcaddaa doorashada Alexei Navalny ayaa laga
mamnuucay in uu doorashada ka qeybqaato.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]