Buuq ka dhashay gabay ku jiray Buug uu qoray toddobo sanno ka hor wasiirka Warfaafinta Somaliland
Sabti, Maarso, 17, 2018 (HOL) - Maalmihii u
dambeeyey waxa jiray Buuq ka dhashay gabay ku jiray buug uu qoray wasiirka
Warfaafinta Somaliland C/raxmaan Gurey Barwaaqo oo toddobo sanno ka hor buug uu
daabacay.
Buugaasi uu wasiirka warfaafintu qoray oo
magaciisa la yidhaahdo Sooyaal ayaa waxa ka cadhooday Gabay ku jira buugaasi oo
lagu aflagaadeeyey dumar ka mid ah beelaha reer Somaliland, waxaanay dumarkaasi
ku doodeen in buugaasi dib loo soo ururiyo oo la gubo,isla markaana wasiirka uu
wasiirku xaal ka bixiyo gabaygaasi dumarka lagu aflagaadeeyey ee buugiisa ku
qoran.
Suugaanta buugaasi ku jira waxa soo bandhigay oo
macalin af soomaaliga dhiga oo la yidhaahdo Maxamed Bedel oo wasiirka ku
eedeeyey inuu shaqadiisa ka joojiyey, isla markaana dumarka ku kiciyey, taasina
waxay gaadhay in haween badani warbaahinta ka dhaliilaan wasiirka oo ay gabayo
badan u tiriyaan.
Khilaafka ka dhashay buugaasi ayaa meel sare
gaadhay, waxaana sababtay in wasiirka Warfaafinta Cabdiraxmaan Guray-barwaaqo
iyo suldaanka ay ka soo jeedaan dumarkaasi eedaha usoo jeediyey ee wasiirka
naqdiyey ay warbaahinta la hadleen, waxaanay sheegeen in buugaasi wakhtigii la
qoray lagu soo bandhigay jaamacadda Hargeysa, haseyeeshee uu macalinkaasi
Jaamacada Hargeysa af soomaaliga ka dhigi jirey uu si khaldan ugu turjumay
gabay ku yaala buugaasi oo uu sheegay in hablaha beelo ka mid ah Somaliland wax
laga sheegay, waxaanu wasiirku raaligalin ka bixiyey qoraalka buugaasi ku jirey
ee sida khaldan loo turjumay.
“buugaasi waxaan qoray toddobo sanno ka hor,
waxaana lagu daabacay Hargeysa, ujeedadayduna waxay ahayd sida dumarka
loo qiimayn jirey inaan soo bandhigo, gabaygan ku qoran buuga ee ninkaasi sida
khaldan u faafiyey waxay ahayd Abwaan gabay aflagaado ah dumarka wax kaga
sheegay in laga mamnuucay inuu dib dambe u qabyo, waxaana berber dhigayey Sayid
Cabdalle Xasan oo isna gabayo badan leh oo uu dumarka wax kaga sheegayo in aan
isaga waxba lagu xukumin, taasina ay ka soo horjeeday dhaqanka Soomaalida,
waxaana anigu taageerayey dumarka Soomaaliyeed oo aan u hiilinayey, waayo
ninkii gabaygaasi tiriyey xaalna waa laga qaaday gabaygiina waa laga xayirey
”ayuu yidhi Guri Barwaaqo.
Sidoo kale, Suldaanka Maxamed Suldaan Cabdiqaadir
oo hablaha wasiirka eedeynayey suldaan u ah ayaa sheegay in fidmadan uu kiciyey
macalin Bedel oo wasiirka arrimo isku hayey, taasina uu ka dhigay in wasiirku
dumarka caayey, waxaanu sheegay in aanay fiicnayn in fidmo la kiciyo oo dumarka
lagu kiciyo.
Si kastaba ha ahaatee, Buuga qayladan kiciyey
ayaa la yidhaahda Sooyaal, waxaanu kaga hadlayey sida aanu dhaqanka iyo diintu
uga soo horjeeday in haweenka wax laga sheego, waxaanu soo bandhigay abwaano
gabayga laga xayirey ka dib markii ay dumarka ku aflagaadeeyeen.
Gabaygan ku qoran Buugan Sooyaal ee dumarka lagu
aflagaadayanayey ayaa la sheegay inuu tiriyey Abwaan Dalaayad, haseyeeshee uu
ku wanjalay abwaan Guuleed Doolla yare, ka dibna uu Guuleed Dhoola yare iska
fogeeyey inuu gabaygaasi leeyahay, markii cidii tirisay gabaygaasi la isku
qabqabsaday waxa madal ay iskugu yimaadeen abwaano Soomaaliyeed uu abwaankii
lagu wanjalay ee Guuleed Dhoolayare ku dhaartay in aanu tirin, haseyeeshee waxa
isagu goobtaasi ka cadeeyey inuu tiriyey Abwaan Dalaayad oo sheegay inuu ula
jeeday kaftan iyo inuu ku xumeeyo Abwaan Dhoola yare oo dumarka la
aflagaadeeyey afar xaas ka qabay, isla markaana waxa uu dhalan rogay gabay uu
Abwaan Dhoola yare ku amaanayey dumarka uu qabay reerka ay ka soo jeedaan oo uu
ka dhigay gabay cay ah, waxaana halkii lagu xukumay Abwaan Dallaayad in aanu
dib dambe wax gabay ah u tirin, iyadoo Abwaan Dhoola yare iyo Abwaan Dalaayadba
ay labaduba xaal lacageed ka bixiyeen gabaygaasi la isku qabqasaday ee
dumarka lagu aflagaadayanyey oo Gabaygiina loo bixiyey gabaygii xaalka,
sida uu sheegay Ibaaraahm Xaaji Yuusuf Xaaji Guuleed oo uu awoow u
ahaa Abwaan Dhoola yare, waxaanay ahayd wakhtigaasi wakhti hore oo lagu
qiyaasay lixdamaadkii.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan
Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland