Bamgacmeed xalay lagu weeraray ciidamo ku sugnaa dekedda Boosaaso
Jimco, Maarso, 16, 2018 (HOL) – Warar ka imanaya magaalada Boosaaso ee
gobolka Bari ayaa sheegaya in kooxo aan la garaneynin Bamgacmeed ku weerareen
ciidamo ka tirsanaa ilaalada Dekedda.
Inta la xaqiijiyay Hal Askari iyo qof shacab ah ayaa geeryooday weerarka
Bambaanno, waxaa kaloo dhaawac uu soo gaaray Saddex qof shacab ah.
Marka laga soo tago weerarka xalay ka dhacay degmada, dhinaca kale maalintii
shalay ayeey aheyd markii bartamaha
magaalada lagu toogtay ilaa Saddex qof oo mid ka mid ah uu aha Askari , mas’uuliyadda
dilkaasi waxaa sheegtay xoogaga Ururka Al-shabaab.
Hay’adaha ammaanka Puntland gaar ahaan kuwa ka howlgala magaalada Boosaaso
ayaa u muuqda kuwo gabay shaqadooda, maadaama maalin cad koox hubeysan ay dil
ka geysanayaan magaalada, kadibna baxsanayaan.
Ammaanka magaalada Boosaaso ayaa maalmahan ah mid faraha ka sii baxaya, kaddib
markii ay kordheen dilalka Qorsheysan ee ay geysanayeen ururka Al-shabaab.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]