Urur gobolleedka IGAD oo shir ugu soo dhamaaday dalka Jabuuti
Arbaco, July, 11. 2018 (HOL) - Dalka Jabuuti waxaa lagu soo gaba gabeeyay shirkii
looga hadlayay arrimaha barakacayaasha, qaxootiga iyo muhaajiriinta ee
maalmahan dambe saameynta xoogga leh ku yeeshay dalalka Bariga Afrika.
Shirkan oo uu soo qaban qaabiyay urur goboleedka
IGAD ayaa waxaa ka qeyb galay wufuud ka kala socotay dalalka xubinta ka ah IGAD
oo ay qeyb ka tahay Soomaaliya.
Xog-hayaha Guud ee IGAD Maxbuub Macalin ayaa
sheegay shirkan inuu ku saabsanaa sidii maalgelin loogu sameyn lahaa dhibaatada
balaaran ee ka jirta dalalka gobolka.
Maxmuub ayaa sheegay dowladda Jarmalka ay
balanqaaday inay bixiso lacag dhan 20 Million oo lagu taageerayo arrimaha
barakacayaasha, qaxootiga iyo muhaajiriinta, balse wuxuu tilmaamay in
mashquuraacan aysan ku filneyn lacagtaas, loona baahan yahay dhaqaale dheeraad
ah, sidaasi darteedna la abuuray sanduuq dhaqaale lagu aruurinayao.
“Shirkan wuxuu ku saabsanaa sidii maalgelin loogu
sameyn lahaa dhibaatada badan ee ka jirta gobolka ee ku saabsan qaxootiga, dowladda
Jarmalka ay balanqaaday inay bixiso 20 Million balse lacagtaas kuma filna
arrimahan, waxaanu sameyneynaa mashruuc kale oo dhaqaale lagu aruurinayo” ayuu
yiri Maxbuub Macalin.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo
Shaqaaladaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cadde Mukhtaar oo horkacaya
wafdiga dowladda Soomaaliya ka socda ee shirkan ka qeyb galaya ayaa sheegay
shirkan inuu ku soo dhamaaday guul oo Soomaaliyana ay faa’idooyin badan
ugu jirto.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]