4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 8 , 2018
Duqa Minneapolis Jacob Frey oo taageeray musharax Eng. Jebiye ballan qaadna u sameeyeey Magaalada Boosaaso


Sabti, September, 08, 2018 (HOL)– Duqa magaalada Minneapolis Mr. Jacob Frey ayaa xafiiskiisa ku casumay musharraxa xilka Madaxweynaha Puntland Eng. Maxamuud Khalif Xassan oo loo yaqaano Eng. Jabiye.

Duqa magaalada Minneapolis Jacob Frey ayaa sheegay in uu si weyn ugu faraxsan yahay casumaadda uu u fidiyey Eng. Jabiye, waxaa uuna sheegay in injineerku uu magaalada Minneapolis muddadii uu degganaa uu wax badan ku soo kordhiyay’’ Ganacsiyadii aad ka soo bilaawday heer hoose ayaa wada bullaalay maanta”, ayuu yiri mayor Jacob Frey. 

Mr. Jacob ayaa ballan qaad kale oo culus u sameeyay musharraxa xilka madaxweynaha Puntland isaga oo sheegay in Puntland haddii uu ku guuleysto Eng. Maxamuud Khalif in uu soo booqan doono. “Waxaan booqasho ku imaanayaa Puntland gaar ahaan magaalada aan mataanaha nahay ee Boosaaso”, ayuu yiri. “Maahan mid aan ku kaftamayo”. Mayor Jacob ayaana doonayo in uu ka shaqeeyo Sidii loo adkeeyn lahaa xiriirka ka dhexeeya labada magaalo iyo guud ahaan Puntland. Si kastaba, masuul kale ayaa Duqa magaalada madasha iyo soo dhaweyntaba ku weheliyay.

Guddoomiyaha degmada lixaad ee Minneapolis mudane Cabdi Warsame ayaa sidoo kale ka mid ahaa madaxdii Eng. Mohamud Khaliif ku qaabishay xafiiska duqa magaalada Minneapolis Jacob. Sidoo kale soo dhaweynta waxaa ka mid ahaa Abdulqudduus Doonyaale— oo la taliye u ah duqa magaalada.

Eng. Jebiye ayaa sheegay in shaqooyinkii wanaagsanaa ee uu ka qabtey gobolka Minasota uu doonaayo kuwa ka wanaagsan in uu ka qabto dalkiisi Hooyo hadii loo doorto Madaxweynaha Puntland

Mohamud Dulyadeyn

Minnesota, U.S.A

[email protected]

 

.