4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 7 , 2018
Ciidamo weerar-ray guriga madaxweynihii hore ee Soomaaliya Aadan Cadde

 

Jimco, September, 07, 2018 (HOL)– Ciidamo ka tirsan dowladda Sooamaaliya ayaa lagu waramayaa subaxnimadii Arbacada ee todobaadka weerar ku qaadeen guriga iyo beerta madaxweynihii hore ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cismaan uu ku leeyahay degmada Janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Warkan waxaa warbaahinta u sheegay Dr Siciid Aadan Cadde oo ka mid ah qoyska madaxweynihii ugu horreeyey ee Soomaaliya, Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cadde), "

Sidoo kale qaar ka mid ah ehellada madaxweynihii hore ee waqtiga uu weerarku dhacayay guriga ku sugnaa ayaa sheegay in ciidamada soo weeraray horey u kaxeysteen dhalinyaro guriga joogtay oo ka mid ah hellada Aadan Cadde.

"Ciidamadan waxaa ay wateen labo diyaaradood oo kuwa qumaatiga u kaca ah, beerta Aadan cadde meel u dhow ayeey ku soo degeen, laakin markii dambe ayey beerta u soo gudbeen, waxayna u sii dhaafeen guri beerta ku dhex yaallay oo uu ku noolaa madaxweynihii hore, Aadan Cabdulle" sidaa waxaa laanta afka Soomaaliga ee BBC u sheegay Dr Saciid Aadan Cadde.

 

Askarta ayaa lagu wargaliyay ka hor inta aysan guriga jabin in ay gurigan uu leeyahay madaxweynihii hore ee Soomaaliya laaakiin aysan dhag jalaq u siin, iyaga oo xoog ku galay kana qaatay allaabo guriga yaalay.

Ilaa iyo hadda dowladda Soomaaliya wax war ah kama aysan soo saarin weerarka guriga madaxweynihii hore ee Soomaaliya Aadan Cadde.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]