Hogaamiyayaasha dowladdaha Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea oo heshiis ku kala saxiixday Asmara
Khamiis, September,
06, 2018 (HOL) -Dalalka Soomaaliya Itoobiya iyo Eritrea ayaa heshiis ku kala
sixiixday magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea.
Heshiiskan ayaa waxa uu dhigayaa in Soomaaliya,
Eritrea iyo Itoobiya ay yeeshaan iskaashi dhaqaale, amni, bulsho, dhaqan iyo
siyaasadeed, lagana shaqeeyo sidii guud ahaan Gobolka Geeska Afrika loogu soo
dabbaali lahaa xasillooni iyo horumar.
Heshiiskan waxaa qalinka ku duugay Madaxweynaha
Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed
iyo madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki.
Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya
Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Ereteriya Isaias Afwerki ayaa la qorsheeyey in ay
ku kulmaan magaalada Asmara, 6-da iyo 7-da bisha September 2018, si ay uga wada
xaajoodaan adkaynta xasilloonida amni iyo dhaqaale ee gobolka ee Geeska Africa.
Waxayn ku heshiiyeen "in la billaabo wada
xaajoodyo lagu dhammeynayo arrimahaas si loo xaqiijinayo danaha isku tolan ee
dalalka Geeska Afrika kuwaas oo horseedaya nabadda iyo horumarka gobolka,"
ayuu yiri agaasimaha warfaafinta ee madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed
Axmed.
Soomaaliya ayaa doonaysa in ay kaalin weyn ka
qaadato isdhexgalka dhaqaale iyo bulsho ee Geeska Afrika, si loo dardargeliyo
ganacsiga iyo maalgashiga, loona kobciyo isku xirnaanta bulshada iyo dhaqaalaha
Geeska.
Dhawaan ayay ahayd markii ay Madaxweynaha Jabuuti
Ismaaciil Cumar Geelle iyo madaxweynaha Soomaaliya Maxmed Cabdullaahi Farmaajo
ka wada hadleen madmadaw soo kala dhex galay oo billawday intii uu hagaagay
calaaqaadka Eritrea iyo Soomaaliya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]