4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 5 , 2018
Dil ka dhacay deegaan ka tirsan gobolka Sool

 

Arbaco, September, 05, 2018 (HOL)– Nin ayaa ku dhintay tuulada Dharkayn-Geenyo oo 70Km. ku dhawaad galbeed uga aadan magaalada Laascaanood Xarunta gobolka Sool.

Dilkan ayaa dhacay maqribkii ayaa warar ila kaladuwan aan ka helayno sheegayaan in ninkalena uu dhaawac soo gaadhay.

"Waxyar maqribkii ka dib ayaan maqalay in la diley oday ka caraabay magaalada iyo nin la socdey, taasina waxay kicisay xiisad" sidaa waxaa HOL u sheegay Aadan C/laahi oo intaas ku daray in la garanayo dadkii falkan geystey.

Waxgaradka beelaha degaankaas ayaa wada-dadaal ay ku doonayaan in ay ku xakameeyaan in aan waxdame ka dhicin, waxaana wararka qaar sheegayaan in laga cabsi qabo qax ka dhaca  degaankaas iyadoo colaad baahsan oo labaatan sano ku dhowaan soo socotey oo galaafatay 100 ruux dad ka badan taas oo dhowaan la soo afjaray.

Ma jiro weli wax talaabo ah oo maamulka gobolka ay hawshaas ka qaadeen

Seynab Cabdi Warsame
laascaanood G. Sool
.