4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 24, 2018
Taliyihii qaybta Booliska gobolka Nugaal oo xilkii laga qaaday iyo mid kale oo la magacaabay

 

Isniin, September, 24, 2018 (HOL)– Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa wareegto goor dhow ka soo baxday xafiiskiisa wuxuu xilka ka qaaday taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal, G/sare Faarax Galangooli.

Wareegtada waxaa kaloo lugu magacaabay taliyaha xasilinta gobolka Nugaal, waxaa xilka qabanaya Sareeye Guuto Muxuyadiin Axmed Muuse.

Muuse oo horey u ahaa madaxa la-dagaallanka arga-gixisada iyo mukhaadaraadka , ayaa sidoo kale si kumeelgaar ah u qabanaya xilka taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal, sida ku cad wareegtada ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha Puntland oo ku sugan magaalada Boosaaso ayaa isbadalka amniga ku sameeyay hay’adaha amniga gobolka Nugaal, xilli saacado ka hor uu xilkii ka qaaday guddoomiyaha gobolka Nugaal.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online