4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 24, 2018
Boosaaso: Weerar lagu qaaday ciidammo ka tirsan ilaalada madaxtooyada Puntland

 

Isniin, September, 24, 2018 (HOL)– Dabley hubeysay ayaa toogasho ku dilay askari ka tirsan ciidanka madaxtooyada Puntland, labo qof oo kalana dhawaacay, Isniinta maanta ah, sida ay saraakiisha u xaqiijiyeen Hiiraan Online.

Weerarka ayaa ka dhacay bartamaha magaalada ganacsiga ah ee Boosaaso , xilli ay ciidammada ku mashqulsanaayeen iibsiga aalab ay leeyihiin gaadidka madaxtooyada, ugu yaraan labo ruux oo ku hubeysan bastoolado ayaa weerarka fuliyay, sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Howlgallo ay ciidammada amniga fuliyeen waxaa lugu soo qabtay sagaal ruux oo la sheegay inay ka mid yihiin labo qof oo weerarka lugu tuhmayo, warbaahinta looma soo bandhigin dadka la qabtay, mana jirto warbixin ku saabsan oo laamaha amniga ay baahiyeen.

“Waxaan ku xaqiijin karaa dad lugu tuhmayo weerarka in gacanta laamaha amniga ay ku jiraan.” ayuu yiri sarkaalkan aan ismagacaabin oo la hadlay HOL, wuxuu inta ku daray in dadka weerarka ku dhaawacmay lugu daweynayo isbitaallada magaalada Boosaaso.

Goobta uu weerarka ka dhacay waxaa ku dhow xarumo dowladeed oo saldhig Booliska iyo xarunta maamulka gobolka Bari ay ka mid yihiin, mana jirto illaa hadda cid sheegatay mas’uuliyada weerarka oo ku soo aaday xilli magaalada Boosaaso uu booqasho ku joogo Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Gaas. 

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online