4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 19, 2018
Dowladda Talyaaniga oo ballan-qaaday ka qayb qaadashada dhismaha ciidanka Soomaaliya

Arbaco, September, 19, 2018 (HOL) –Dowladda Talyaaniga ayaa ballan-qaaday inay door muuqda ku yeelan doonto dib u dhiska ciidammada xoogga dalka, si ay suragal u noqoto dib in loo helo ciidammo awood u leh sugidda amniga guud ahaan dalka.

Safiirka dowladda Talyaaniga u fadhiya Muqdisho,Carlo Campanile oo u waheliyo u qeybsanaha  arrimaha ciiidammada ee safaaradda Talyaaniga oo dhawaan wasaaradda Gaashaandhigga Talyaaniga soo magacowday  ayaa maanta booqday xarunta wasaaradda gaashandhigga Soomaaliya, halka oo wasiirka gaashandhigga uu kulan gaar ah ku dhexmaray.

Kulanka waxaa looga hadlay arrimo la xiriira iskaashiga milatari ee ka dhexeeya dawladaha Soomaaliya iyoTalyaaniga.

Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya,Xassan Cali Maxamed ayaa uga mahadceliyay kaalintii ay ka qaadatay dowladda Talyaaniga dib-u-howlgalinta Isbitaalka xoogga  iyo ka qeyb qaadashada dib  udhiska Ciidanka xoogga dalka.

Amb.Carlo Campanile  ayaa dhankiisa sheegay in uu muuqdo qorsheyaal dib loogu dhisayo ciidanka xoogga dalka oo ay wado dawladda Soomaaliya, wuxuuna ku celiyay in dhankooda ay ka qeyb qaadanayaa dib udhiskaasi iyo horumarada kale ee Soomaaliya ka socda.

Dowladda Talyaaniga ayaa ka mid ah deeq bixiyayaasha reer Yurub ee dowladda Soomaaliya ka taageerra dhinacyo kala duwan oo amniga uu ka mid yahay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]