4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 19, 2018
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay 12 dagaalyahan in al-Shabaab looga dilay duqaynta laga fuliyay degmada Saakow



Arbaco, September, 19, 2018 (HOL) –Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay duqayn lagu fuliyay degmada Saakow ee gobolka Jubbada Hoose, isla markaasna lagu dilay 12 kamid dagaalyahanada al-Shabaab, sida uu sheegay wasiirka ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta.

Aadan Isaaq Cali oo la hadlay wakaaladda wararka ee dowladda ee SONNA wuxuu inta ku daray in duqaynta cirka ah lagu dilay labo sarkaal oo sare oo ka tirsan al-Shabaab, sidoo kale waxaa uu tilmaamay in duqeynta uu dhaawac ka soo gaaray Xasan Yacquub oo al-Shabaab ugu magacaaban Waaliga Galgaduud.

Weerarka cirka ah ayaa lala beegsaday Iskuul ku yaalla magaalada waxaana ku dhintay saddex carruur ah halka saddexda kalena ay ku dhaawacmeen.Duqaynta ayaa sidoo kale burbur u gaysatay isbitaalka Saakow.

Al-Shabaab ayaa dhinacooda sheegay in degmada aanay ku sugnayn saraakiil iyaga ka tirsan markii duqaynta la fulinayay.

Ma jirto war ka madax bannaan dowladda iyo al-Shabaab oo duqeynta lag helay, waxaase ay qayb ka noqonaysa duqeymo joogto noqday ee deegaannada ay ku suganyihiin al-Shabaab lugu beegsanayo.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]