4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 18, 2018
Saraakiil iyo dagaallamayaal al-Shabaab looga dilay gobolka Shabeellaha hoose

Talaado, September, 18, 2018 (HOL) –Ciidanka milateriga Soomaaliya ayaa weerar ku dilay 13 saraakiil iyo dagaalyahanno al-Shabaab ah, inta lagu jiray weerar ay ciidammada ku qaadeen inta u dhaxeysa deegaanka Jaziira illaa degmada Marka ee gobolka Shabeellaha hoose.

Abaanduullaha ciidanka xoogga ,Jen. Odowaa Yuusuf Raagge oo howlgalka ka warbixiyay wuxuu sheegay ciidammada milateriga Soomaaliya inay la wareegeen deegaannada Ceel Ow Maki, Dhannaane, Gandarshe iyo Jilib-Marka oo ka wada tirsan gobolka Shabeellaha hoose, deegaannada  oo  ay muddo ku sugnaayeen al-Shabaab.

"Howlgalka wuxuu qayb ka yahay howlgal ballaaran oo aan ku dooneyno in lugu xoreeyo deegaannada ay al-Shabaab kaga suganyihiin gobolka Shabeellaha hoose." ayuu yiri Jen. Raagge oo sheegay inta uu weerarka socday inay la wareegeen gaadiid dagaal iyo hub ay lahaayeen al-Shabaab.

Howlgalka wuxuu ku soo aaday xilli dhawaan ciidammada milateriga ay la wareegeen degmada muhiimka ah ee Marka,kaddib dagaal saacado qaatey oo ay ciidammada la galeen al-Shabaab.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]