Baarlamaanka Galmudug oo yeeshay guddoomiye cusub
Talaado, October, 09, 2018 (HOL)- Wararka naga
soo gaaraya degmada Dhuusa-Mareeb ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in
baarlamaanka dowlad gobolleedka Galmudug galinkii danbe ee maanta u doorteen
guddoomiye cusub Ismaaciil Cabdulle Axmad.
Doorashada guddoonka baarlamaanka oo ku tartameen
ilaa saddex musharax ayaa la sheegay wareegii hore –ba uu helay Ismaaciil codad
gaaraya 93 cod, halka musharax Aadan Xaaji uu helay 37 cod iyo Salaad Caynte oo
helay 5 cod.
Laakiin intii aan loo gudbin wareegii labaad ayaa
la sheegay in labada musharax kale tanaasulleen, taasoo keentay in guddoomiyaha
baarlamaanka uu ku guuleysto Ismaaciil Cabdulle Axmed.
Fadhiga golaha waxaa shir guddoominayay guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka Xareed Cali
Xaraad, waxaana ay arintani imaneysaa xili dhawaan guddiga ka tirsan aqalka
sare oo u xil saarnaa khilaafka Galmudug shaaciyeen in aysan aqoosaneyn
dhamaanba xil ka qaadistii hore ee labada dhinac.
Horay waxaa xilkan u hayay oo guddoomiyaha
baarlamaanka Galmudug u ahaa Cali Gacal Casir oo ay xildhibaannada
Dhuusa-Mareeb fadhiya sheegeen in ay xilkii ka qaadeen.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]