Wadaad caan ah oo xalay lagu dilay degmada Wanla-weyn
Talaado, October, 09, 2018 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya
degmada Wanla-weyn ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya howlgal xalay
halkaa ka sameeyeen ciidamo Soomaali ah oo gacan militari ka helaya kuwa ajnabi
ah lagu dilay wadaad caan ka ahaa degmada iyo deegaannada ku dhaw dhaw.
Sheekh Nuur Cismaan Bilaal oo
ahaa marxuumka la dilay ayaa la sheegay in uu ahaa wadaad casharka Tabsiirka Qur’aanka
ka aqriya masjidyada degmada, sidoo kalana waxaa uu lahaa sida la sheegay madrasad
weyn oo lagu barto Diinta Islaamka.
Dadka degmada ayaa siweyn uga
xumaaday dilka wadaadkan oo ay siweyn u garanayeen bulshada ku dhaqan
Wanla-weyn iyo xitaa deegaannada ku dhaw
dhaw.
Dhinaca maamulka degmada wax war
ah kama aysan soo saarin howlgalka lagu dilay wadaadka iyaga oo ka gaabsan in
ay arintan ka hadlaan.
Ma’aha markii ugu horeysay oo ay
ciidamada dowladda oo gacan militari ka helaya kuwo Mareykanka ah howlgal ka
fuliyaan gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana marar badan howlgaladan ku dhintay
dad rayidka ah.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]