238 Ardey Soomaaliyeed ah oo dhameysatay cilmiga Dhaqtar-nimada
Sabti, October, 20, 2018 (HOL)
- Waxbarasho soo soctay muddo Lix sano
ah kaddib ayeey 238 Ardey ugu danbeyntii waxaa dhameysteen cilmiga
Dhakhtar-nimada Kuliyada caafimaadka Jaamacada Banaadir ee magaalada Muqdisho.
Munaasabada buugga qelin jebinta ardaydan aflaxday ayaa
lagu qabtay magaalada Muqdisho taasoo ay ku soo bandhigeen cilmi baarisyo dhowr
bilood socday oo ay ka sameeyeen xaaladaha dhinaca caafimaadka ee ka jira qaar
ka mid ah isbitaalada magaalada Muqdisho, xeryaha Barakacayaasha iyo xaafadaha
qaarkood.
Waxaa munaasabadan ka qeyb
galay Masuuliyiin iyo macalimiin ka tirsan Jaamacadda Benaadir, ardayda
difaacaneysay buugga qelin jebinta, aqoonyahano, waalidiin iyo marti sharaf
kale.
Hormuudka kuliyadda
caafimaadka Jaamacadda Banaadir Dr. Maxamed Maxamuud Biday oo munaasabadaas ka
hadlay ayaa ku dhawaaqay in ardayda qelin jebisay ay wixii hadda ka dambeeya
yihiin dhaqaatiir Qaliin iyo daweynba sameyn kara, isagoo xusay inay muujiyeen
dadaal badan oo waqti dheer qaatay, ayna la mid yihiin hadda ka dib
dhaqaatiirta asaagood ah ee ka baxday Jaamacadaha caalamka maadaama buu yiri ay
heystaan shahaado caalamka laga aqoonsan yahay oo ay ku howlgeli karaan kuna
doonan karaan taqasusyada ay u baahan yihiin.
“Anigoo ku hadlaya magaca
Maamulka, Macalimiinta hormuudyada iyo mu’asasada Jaamacada Banaadir waxaan ku
faraxsanahay inaan si rasmi ah ugu dhawaaqo in 238 dhaqtar ay ka qelin jebiyeen
kuliyadda Caafimaadka ayna wixii hadda ka bilowda yihiin dhaqaatiir daweyn iyo
qaliinba sameyn kara” ayuu yiri Dr. Biday oo halkaas ka tiriyey magacyada ka
ardayda galay kaalimaha hore.
Dr. Maxamed Maxamuud Fuje oo
ka tirsan aasaasayaasha iyo Macalimiinta Jaamacada Banaadir ayaa isna kulankaas
ka sheegay in ardayda ka qelin jebisay kuliyada Caafimaadka ee Jaamacada
Banaadir ay yihiin kuwo nasiibku saaciday maadaama kuliyadaas ay ku kulmeen
macalimiintii ugu badneyd ee ka soo baxay Jaamacaddii hore ee Ummadda.
Guddoomiyaha Jaamacadda
Banaadir Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo isna munaasabadan ka hadlay ayaa u
hambalyeeyey ardayda qelin jebisay, wuxuuna sheegay in ardaydan ay yihiin kuwii
ugu badnaa ee mar kaliya ka qelin jebiya kuliyadda Caafimaadka mudadii 16-ka
sano aheyd ee ay jirtay. Wuxuu sheegay in marka lagu daro dhaqaatiirtan cusub
ay Jaamacadda Banaadir ka qalin jebiyeen 920 dhakhtar, taasoo uu xusay iney
tahay guul u soo hoyatay Jaamacadda iyo calaamad muujineysa kaalinta
hormuudnimo ee ay kaga jirto horumarinta Caafimaadka Bulshada.
“Waxaan farxada la wadaagayaa
dufcadii 11aad ee soo dhameysata kuliyadda dhaqtarnimada ee Jaamacada Benaadir
ka dib lix sano oo dedaal dheer iyo Juhdi badan la soo waday wixii maanta ka
dambeeya waxaad tihiin dhaqaatiir, masuuliyad buuxda ayaana idinka saaran
Caafimaadka bulshada Soomaaliyeed” ayuu yiri Dr. Dalmar.
Waxa uu sheegay gudoomiyuhu in
Jaamacada Benaadir la aasaasay sanadkii 2002 xilli aysan jirin wax dhaqaatiir
Soomaliyeed oo muddo 12 sano ah ka soo baxay jaamacado, burburka dalka ka jiray
awgeed, wuxuuna xusay in Jaamacadu ay guul u tahay in 16 sano ka dib ay soo
saartay ku dhowaad kun dhaqtar, isagoo ugu dambeyna hadalo dardaaran ah u
jeediyey dhaqaatiirta qelin jebisay.
Guddoomiyaha Muasasada
Jaamacadda Banaadir Dr. C/llaahi Shiikh Xuseen (Bushkuleeti) oo gebagebadii
munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in Jaamacadda Benaadir ay buuxisay kaalintii
Jaamacaddii hore ee Umadda, ayna soo saartay dhaqaatiir fara badan oo haatan ka
shaqeeya dalka iyo dibeda.
Dr. Bushkuleeti ayaa ardayda
qelin jebisay u sheegay in waxbarashadii rasmiga aheyd ay hadda ka dib u
bilaabatay, aysan maankooda gelinin in waxbarashadii ay halkaas ku dhamaatay
isagoo ugu hambalyeeyey guusha ay gaareen iyo dedaalka ay muujiyeen.
Intii ay munaasabadaas socotay
ayaa waxaa sidoo kale hadalo isugu jiray hambalyo iyo dardaaran ka jeediyey
xubno ka tirsan Maamulka, Mu’asasada iyo Macalimiinta Jaamacada Banaadir,
iyagoo ardayda qelin jebisay siiyey tilmaamo iyo tusaalooyin, una rajeeyey
mustaqbal wanaagsan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]