Booliiska Itoobiya : Cabdi Maxamuud Cumar wuxuu isku dayay in uu baxsado
Jimco, October, 19, 2018 (HOL)- Maxkamada gacanta
ku heysa kiiska madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Cabdi
Maxamuud Cumar ayaa lagu wargaliyay in uu isku dayay in uu ka baxsado xabsiggii
lagu hayay.
Cabdi
Maxamuud Cumar oo maanta ka muddeysnaa Maxkamadda sare ee Fedeeraalka Itoobiya
oo maxkamadda la horkeenay ayaa waxay Boolisku sheegeen iyada oo amnigiisa iyo
caafimaadkiisa loogu daneynayo in cabdi lagu xiray xabsi ku dhex yaalla xarunta
booliska.
Balse waxaa la sheegay in uu jabiyay muraayadda
daaqadda qolka uu ku jiray wuxuuna cunaha ku dhagay mid ka mid ah askarta
ilaalada uga jirtay qolka uu ku xirnaa isaga oo tillaabadaasi uu qaaday uga dan
lahaa inuu xabsiga sidaa uu kaga baxsado.
Cabdi Maxamuud Cumar eedda iskudayga ka
baxsashada xabsiga ee ay boolisku u soo jeediyeen mar ay maxkamadda wax ka
weydiisay ayaa wuxuu ku jawaabay "inuusan falkaasi sameeynin eedduna ay
tahay mid sumcaddiisa lagu waxyeelleynayo isla markaana lagu doonayo in
jirdilkiisa lagu banneysto".
Horay
qoyska Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ugu eedeeyay ciidamada gacanta ku haya
amniggiisa in ay kula kacaan jirdi xoog leh, hasse ahaatee taliska ciidamada
Booliiska Itoobiya warkaa waa ay beeniyeen.
Maxkamada ayaa siisay laamaha amniga 10 cisho oo
dheeraad ah oo baaritaan lagu sameeyo eedeymaha loo heysto Cabdi Maxamuud Cumar
ee ah in uu isku dayay in uu baxsado in in uu rabshado abuuray.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]