Madaxweynaha JFS oo shir guddoominaya shirka Golaha Wasiirrada
Khamiis,, October, 18, 2018 (HOL)- Madaxweynaha
dowladda Soomaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa shir guddoominayay shirka Golaha
Wasiirrada Soomaaliya, waxaana ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu ka jeediyay
Khudbad uu kaga hadlayay xaaladda Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay in tilaabo wanaagsan horay loo
qaaday,islamarkaana dowladda Soomaaliya ay sii laba jibaari doonto Hanaanka
lagu horumarinaayo Soomaaliya.
“Madaxweyne waxaan rabnaa adiga oo xafiiskaaga fadhiya in aad kumbutuutar
gashid aad ogaatid wasaarad kasta halbeegyadeeda meesha ay marayaan, shacabka
ay ogaadaan” ayuu yiri ra'iisal wasaare Xassan Cali Kheyre oo kulanka ka qeybgalay.
Kheyre ayaa sidoo kale yiri“20 wasaaradood ayaa
dakhli uruurin jirtay, maanta hal meel ayaa laga uruuriyaa, waana wasaaradda
maaliyadda”.
Waa markii ugu horeysay oo uu madaxweynuhu shir
guddoomiyo kulanka kulan wasiirrada xukuumadda Soomaaliya.
Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo
gudbin doonnaa..
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]