Hiiraan Online
4/27/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 17, 2018
Soomaaliya oo guddoominaysa shirka ururka caafimaadka adduunka ee WHO
Arbaco, October, 17, 2018 (HOL)- Dowladda Soomaaliya ayaa qayb ka ah shir guddoonka shirka 65-aad ee ururka caafimaadka aduunka ee WHO oo ka socda magaalada Khartuum ee dalka Sudaan.
Waxaa ku matalaya shirka dowladda Soomaaliya, wasiirka caafimaadka Fowsiya Abiikar Nuur ,oo loo doortay ku-xigeenka shir guddoonka, waxaana ay ka hadashay dadaallada horumarineed ee dawladda Soomaaliya ku horumarinayso adeegga caafimaadka, taas oo ay codsatay in lagu gacansiiyo.
Shirkaas oo socon doona illaa 18-ka bishan ayaa looga hadlayaa wax ka qabashada cudurrada faafa, fidinta adeegga caafimaadka, in hay’adaha gaarka loo leeyahay ay ka qayb qaataan horumarinta caafimaadka iyo daryeelka bulshada.
Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]