4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 15, 2018
Dowladda Soomaaliya oo garab istaag u muujisay Boqortooyada Saudi Arabia

 

Isniin, October, 15, 2018 (HOL) – Dowladda Soomaaliya ayaa garab istaaggeeda dhammeystiran u muujisay dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya.War saxaafadeed afka Carabiga ku qornaa oo ay baahisay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lugu xaqiijiyay taageerrada.

“Xukuumadda Soomaaliya waxaa ay markale ku celinaysaa mowqifkeeda sugan ee taageeraya degganaanshaha iyo qarannimada dalalka Carabta, waxayna ku dhawaaqeysaa garab istaaggeeda dhammeystiran ee dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee aanu walaalaha nahay, kana soo horjeedno cid kasta oo isku dayeysa inay dhib gaarsiiso ama wax u dhinto kaalinteeda iyo danaheeda dhaqaale.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay adkeyneysaa laga maarmaanshaha in laga fogaado dhagar iyo olole ujeeddooyin kale leh oo lagu hagardaamaynayo Boqor-tooyada Sucuudi Carabiya.” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka.

 

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]